Maxkamadda ciidamada millatariga Somaliland ayaa maanta laba sano oo xabsi ah ku xukuntay Korneyl Jaamac Doolaal oo kamid ah milatariga Somaliland.
Maxkamadda ayaa korneylka ku heshay danbi ah in uu xidhiidh la sameeyay shakhsi jooga Soomaaliya, isla markaana uu kala hadlay arrimo qoys, taas oo ay maxkamaddu ku tilmaantay danbi, maadaama Soomaaliya ay kasoo horjeeddo qarannimada Somaliland.
Sidoo kale, Maxkamaddu waxay laashey in Korneyl Doolaal uu ku kacay khiyaano qaran iyo Kacdoon ciidan, kadib markii cod sir ah oo ay soo bandhigtay xeer ilaalinta ciidanku ay caddeyn kari wayday in uu yahay codkii saxda ahaa ee Korneyl Doolaal.