[Topnews:-] Farmaajo oo Beesha Caalamka kala kulmay cambaareeyn iyo hanjabaad ku riixday sumcad xumo taariikhda gashay

0
Wednesday April 14, 2021 - 05:03:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Farmaajo oo Beesha Caalamka kala kulmay cambaareeyn iyo hanjabaad ku riixday sumcad xumo taariikhda gashay

    Waagacusub.com - Go'aanka halka dhinac ee Golaha Shacabka muddo kororsiga labada sano ah ugu sameeyay maamulka Farmaajo ayaa la kulmay cambaareyn iyo diidmo caalami ah. Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ingiriiska oo soo saarey qoraalo kala duwan a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Go'aanka halka dhinac ee Golaha Shacabka muddo kororsiga labada sano ah ugu sameeyay maamulka Farmaajo ayaa la kulmay cambaareyn iyo diidmo caalami ah. Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ingiriiska oo soo saarey qoraalo kala duwan ayaa si xoogan u naqdiyey, waxaana ay ku tilmaameen mid khatar ku ah nabada, dimuqraadiyadda iyo xasiloonida dalka.

Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loogu laabto wadahadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyadoo aan dib loo dhigin laguna saleynayo heshiiskii Sebtember 17. Haddii taa la waayo, Midowga Yurub wuxuu tixgelin doonaa tallaabooyin dheeri ah oo la taaban karo,” ayuu Midowga Yurub war qoraal ah oo uu soo saarey.

Wasaaradda arrimaha dibadda Britain ayaa qaadacdey muddo kororsiga labada sano ee maamulka Farmaajo. Qoraal ayay ku sheegtay in talaabadan aysan xal u ahayn khilaafka. Talaabooyin hal dhinac ah oo mustaqbalka la qaado ayay ka digtey.

Beesha Caalamka ayay carabka ku adkeysay in ay kala shaqeyn doonto "dib-u-qaabateynta xiriirka iyo kaalmada dabiiciga ee Soomaaliya haddii isbedel la imaan waayaan madaxda Soomaalida”.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in muddo kordhinta loo sameeyay maamulka Farmaalo ay Washington ku riixeyso in ay dib-u-qiimeyso xiriirada ay la leedahay Dowladda federaalka ah Soomaaliya oo ay ku jiraan cilaaqaadka diblumaasiyadeed iyo kaalmada.

Bayaankan waxaa lagu caddeeyay in Mareykanka uu adeegsan doono "dhamaan talaabooyinka macquulka ah” oo ay ku jirto cunaqabateyn iyo xayiraadyo dhanka socdaalka ah.

Antony Blinken, wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka oo bayaanka ku saxiixanaa, ayaa cod dheer wuxuu kusoo jeediyey in xalka kaliya uu yahay in wadahadaladda dib u bilowdaan

"Go’aanka lagu kordhiyey muddo xileedka dowladda federaalka wuxuu curyaaminayaa nabadda iyo xasiloonida. Waxaan ugu baaqeynaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowldaha xubnaha ka ah in ay dib-ugu-laabtaan wadaxaajoodyada iskuna raacaan qaab horey loogu socon karo,” ayuu hoosta ka xariiqay.

Iyaddoo diidmadan caalamiga ah ay muuqato, Farmaajo ayaa qalinka ku duugay qaraarka muddo kororsiga iyaddoo uusan meelmarin Aqalka Sare. Wuxuu u muuqdaa mid raba in uu gorgortan ku galo.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...