[Topnews:-] Akhri Farmaajo iyo Biixi sideey ula wareegeen taliyeyaashii Ciidanka Gorgor iyo Liiska raggii ay shaqadda ka eryeen ee Hawiye

0
Tuesday May 04, 2021 - 19:58:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Akhri Farmaajo iyo Biixi sideey ula wareegeen taliyeyaashii Ciidanka Gorgor iyo Liiska raggii ay shaqadda ka eryeen ee Hawiye

    Waagacusub.com - Taliyaha Ciidanka Lugta Jeneral Biixi ayaa si toosa isu qaawiyay isagoo ku qoray sagaal waaxood sagaal qof oo u dhashay beeshiisa Mareexaan ? Waaxaha kala duwan ee Taliska Ciidanka lugta Soomaaliyeed wuxuu Jeneral biixi ka dhigay M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Taliyaha Ciidanka Lugta Jeneral Biixi ayaa si toosa isu qaawiyay isagoo ku qoray sagaal waaxood sagaal qof oo u dhashay beeshiisa Mareexaan ? Waaxaha kala duwan ee Taliska Ciidanka lugta Soomaaliyeed wuxuu Jeneral biixi ka dhigay Maqaayad ama Shirkad ay maamulaan dad u dhashay beesha Mareexaan oo ilma adeera isagoo eryay dadkii horey uga shaqeeyn jiray dhamaantood. tusaale.

1- Waaxda Maaliyadda lacagta wuxuu ku qoray Jabriil oo u dhashay Mareexaan.

2- Waaxda Saadka Ciidanka wuxuu ku qoray Gaashaanle sare Cabdi  Xalane. oo u dhashay Mareexaan.

3- Waaxda hubka iyo rasaasta wuxuu ku qoray Axmed Cadde oo u dhashay Mareexaan.

4- Waaxda Caafimaadka wuxuu ku qoray Dr’s Fowsiya oo u dhalatay Mareexaan.

5- Waaxda Isgaarsiinta wuxuu ku qoray Cabdi Cali oo u dhashay Mareexaan.

6- Waaxda howlgelinta wuxuu ku qoray Korneyl Raabi oo u dhashay beesha Ogaadeen.

6- Saadaam Cumar Aadan waa ninka kaliya ee Hawiye u dhashay ahna Madaxa Waaxda Warbaahinta, wuxuuna ka gooyay gunnadii si qabyaalad iyo isir naceyb ah.

7-  Ninkii ka dambeeyay dagaalkii Walanweyn ee dhexmaray Gaaljecel iyo shanCaleemood , Korneyl Dowle wuxuu ka dhigay Taliyaha Waaxda Sirdoonka iyo Sahanka.

8-  Waaxda Xafiiska Ciidanka dhulka wuxuu si qabyaaladeeysan uga qaaday Cabdullahi Ciise Faracade,wuxuuna ku bedelay Kornely Cabdinasir Jamaaludiin.

9- Chief Security , Xafiiska Ra’isulwasaaraha waxaa laga dhigay nin la yiraa Cabdullahi Codeey oo u dhashay Mareexaan.


Loading...

Labadii Askari ee waday baabuurtii lagu jibiyay albaabka Hotel Maida si loo dilo Madaxweyneyaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud waxaa la kala yiraahdaa Nasteex Xasan Jaamac, iyo Karar Cabdullahi Adan, waxeyna u dhasheen beesha Mareexaan. Reer Dalal, jufadda Farmaajo.


Saahid Jaamac Faarax oo loo yaqaan Jareere, Waa taliyaha Ururka 1-aad ee Guutadda Gorgor, beebayaasha Villa Somalia. wuxuu u dhashay beesha Mareexaan. wuxuu istaaf u ahaan jiray Jeneral Caanood. isagoo ka mid ahaay Raggii boobay hubkii Qaranka ee yaalay Xeradii Jeneral Golden sanadkii 2018. Waa Ciidankii ay tababareen Emirate-ka ninkii hubkoodii ka furtay ee suuqa geeystay.


Taliyaha Guutada Ciidanka Gorgor Dayax Cabdi Cabdulle wuxuu u dhashay beesha Baciidyahan Majeerteen.

Dayax iyo Jareere labaduba kama tirsana Saraakiishii loo qaaday Turkiga, Waxbarasho Ciidan malaha, kuma hadlaan Luqad laakiin qabyaalad ayaa looga dhigay taliyeyaal.

Labadaan Taliye weligood lama geeyn difaacyadda Awdheegle, Janaale, Bariire , Sabiib iyo Caanoole, Beledxaawo , Dhuusamareeb, waxaana degaanadaas oo dhan ku sugan Ururadda ee Ciidanka Gorgor laakiin kuwaan si ay Hawiye u gumaadaan ayaa loogu reebay Muqdisho.


Abaanduulkii joogay Ururka 1-aad ee  Beebayaasha Villa Somalia ee Guutadda Ciidanka Gorgor oo la yiraa Dhamme Cali Axmed Xaashi, oo loo yaqaan Cali Cageey una dhashay beesha Xawaadle ayaa la bedelay , waxaana lagu bedelay Baargeel nin la yiraa oo Mareexaan dhaleen.


Laba Xidigle Cali Cageey wuxuu diiday inuu weeraro Siyaasiyiinta Hawiye kadibna sidaas ayaa xilkii looga qaaday, 

Ururkaan waa Ururka uu Jareere u yahay Taliyaha ee hoos taga guutadda Ciidanka Gorgor ee uu taliyaha ka yahay Dayax Cabdi Cabdulle ee ku qoran gumaadka Siyaasiyiinta Hawiye.


Taliyahii horinta 3-aad ee Ururka 1-aad ee ka tirsanaay guutadda Gorgor  Cabdi Casiis Tuure Maxamed oo u dhashay beesha Hawiye gaar ahaan Abgaal, kuna jufo hoose ah Sheekh Shariif ayaa la reesteeyay kadibna shaqadii ayaa laga bedelay,waxaana la geeyay Taliska guutadda Gorgor.  waxaana la dul dhigay inuusan xeradda ka bixi karin. Cabdi Casiis Tuure wuxuu diiday inuu weeraro Siyaasiyiinta Hawiye.Xilkiisii Taliyaha horinta 3-aad waxaa loo magacaabay Nin la yiraa Cabdirashiid oo u dhashay beesha Biyomaal.


Waxaa xilkii laga qaaday Taliyahii horinta 1-aad ee Ururka 1-aad,  Laba xidigle Cabdi Barkhadle oo u dhashay beesha Hawiye gaar ahaan Xawaadle. waxaa xilka qabyaalad iyo shaki qabiil oo laga qabay. wuxuu hadda joogaa Dhuusamareeb oo halkaas ayaa laga tuuray.


Gaari Suuga oo ka tirsanaay Guutadda 7-aad oo ay darawal iyo Gaandhari ka ahaayeen rag u dhashay beesha Sacad Habargidir ayaa loo diray Xuseen Xoosh kadibna wuxuu geeyay Xeradda Damaanyo, waxaana baabuurkii loo dhiibay Darawal iyo Gaandhari u dhashay beesha Mareexaan kuwaas oo dhawaan laga keenay Kismaayo.

Gaarigaan Suuga ah waxaa iska lahaay guutadda 7-aad ee uu Axmed Gaashaan ka ahaay Taliyaha, waxaana ku sime u noqday Taliyaha Ururka 35-aad Korneyl Foofoo laakiin nasiibdaro Xuseen Xoosh ayaa Ku simaha Taliyaha guutadda u sheegay in  qoriga la hagaajinaayo kadibna markii ay xeradda geeyeen ayaa laga dejiyay. waxaa qoriga Gaandhari ka ahaay Cali bello oo u dhashay beesha Sacad,waxaana la saaray Bashiir Qaataa oo  u dhashay beesha Mareexaan kaas oo hadda Gaandhari ka ah. waxaana lagu wareejiyay Jareere , Taliyaha beebayaasha.


Yusuf Calasow oo u dhashay Hawiye kana mid ahaay Ururkii 1-aad ee beebayaasha Turksom oo wata number ka kacaya kun iyo laba boqol ayaa isagoo jooga waxaa Kismaayo laga keenay Nin Mareexaana  oo numberkiisa uu ka kacayo afartan iyo shan kun kadibna waxaa ninkii  la siiyay derajo Isbatoore buuxa kadibna waxaa laga dhigay Taliye ku xigeenka Sirdoonka ee guutadda Turksom. 

Taliyaha Ciidanka Jeneral Odowaa ayaa la kulmay Ninka Mareexaan ee laga dhigay Taliye ku xigeenka Sirdoonka guutadda Turksom kadibna waa hadlay, wuxuuna yiri " Hadda kadib inaan Saraakiil soo gudbiya idin dhaho , iima noqon doonto suurtagal markaan fiiriyay qabyaaladda iyo cadaaladda daradda halkaan ka jirta”

Jeneral odowaa haddii uu garasho leeyahay wuxuu wax ku qaadan lahaay in Yusuf Calasow oo lagu furay Xeradda Turksom , dushiisa lagu dalacsiiyo Nin Mareexana oo Kismaayo laga keenay.

- Inta aysan bilaaban xiisadda waxaa Muqdisho Ciidanka ururka 3-aad ee Guutadda Gorgor, waxaa Ururkaas ka madaxa Cabdi Suul Nuuge oo u dhashay beesha Baadicadde iyo Xasan Dheere oo u dhashay beesha Habargidir, ahna abaanduulaha ururkaas. 

Ciidanka Ururka 3-aad ee Ragga Hawiye ka madaxda ahaayeen waxaa loo daabulay Awdheegle, waxaana Xamar loo soo daabulay Ururka 4-aad ee guutadda Gorgor. Ururkaan afaraad waxaa ka abaanduule ah Aadan Shabaab oo u dhashay beesha Mareexaan.

Ururka 4-aad waxey weerar ku qaadeen Miranaayo. waana la soo jibiyay Aadan Shabaab iyo Ciidankii uu watay ee weeraray Madaxweynahii hore Xasan Sheekh Maxamuud.


Ciidanka Guutadda Gorgor waxey ka amar qaadan jireen Taliyaha Ciidanka xooga dalka , waxaa la diiday iney hoos tagaan Taliyeyaasha Ciidanka Lugta sida Taliyahii Cabdixamiid Maxamed Dirir oo u dhashay Majeerteen iyo Taliyahii ka dambeeyay ee Jeneral Cabaas oo u dhashay Raxanweyn haddana ah Abaanduulaha Ciidanka xooga dalka. 

Labadaas kadib waxaa Taliyaha Ciidanka Lugta loo magacaabay Jeneral Biixi kadibna isaga ayaa toos loo hoos geeyay Ciidanka guutadda Gorgor. taasi waxey cadeeyn u tahay heer kulka qabyaaladda Farmaajo iyo sida uu isaga ilaalinaa Taliyeyaasha qabiiladda aan Mareexaan aheyn u dhashay.

Farmaajo mar la weeydiiyay wuxuu sheegay inuu sidaas u sameeyay in Jeneral Biixi dhaqaajiyo hoowlgalka haddii uu Jeneral Odowaa amar diidmo ku sameeyo.

Ciidanka Guutadda Gorgor oo tiradooda lagu qiyaaso lix kun oo askari waxey ka kooban yihiin 8 Urur, lixda kun ee Ciidanka boqolkiiba sagaashan waa Hawiye. Waxaana maanta ka dhex taagan qabyaalad .

Ciidanka Guutadda Gorgor ayaa la hubaa iney qabyaalad darteed u dagaalami doonaan ama hubka la baxsan doonaan iyadoo laga yaabo in  hubkeey heystaan qaarkood ula galaan Al-Shabaab taas oo wejigabax ku noqon doonto Dowladnimada Somalia iyo sumcada dowladii soo tababartay ee Turkey oo qalabeeysay xitaa.

Qabyaaladda nuucaasa ayaa afar sano laga aamusnaay.

Intaan oo dhan waxey cadeeyn u yihiin in Farmaajo iyo Saraakiisha Mareexaan ku hoowlan yihiin hubka dhigis ay ku sameeynayaan beesha Hawiye.

Xogtaan baarista waxaa sameeyay Dahir Alasow, waana la hubiyay. waa warbixin sirdoon Ciidan.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...