Xabsiyada Baydhaba oo laga buuxiyey dad u xiran Lafta-gareen iyo Farmaajo dartood

0
Friday May 07, 2021 - 12:22:22 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 1647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabsiyada Baydhaba oo laga buuxiyey dad u xiran Lafta-gareen iyo Farmaajo dartood

    Waagacusub.com - Tobaneeyo qof oo isugu jira shacab, siyaasiin iyo ganacsato ayaa ku xiran yihiin xabsiyada ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay, kuwaas oo loo haysto in aragti ahaan ka soo horjeedaan hpggaanka maamulka Koonfu Galbeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Tobaneeyo qof oo isugu jira shacab, siyaasiin iyo ganacsato ayaa ku xiran yihiin xabsiyada ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay, kuwaas oo loo haysto in aragti ahaan ka soo horjeedaan hpggaanka maamulka Koonfu Galbeed iyo hab maamulka dalka ee Madaxweyne Farmaajo.

Inta badan dadka xiran  ayaa ah dhalinyaro aqoonyahanno ah, kuwaas oo Madaxweyne Lafta-gareen ku dhaliilay sida uu u maamulo maamulka Koonfur Galbeed iyo doorkiisa siyaasadda guud ee dalka. 

Dhallinyarada xiran ayaa u badan kuwa qoraallo soo dhigay Facebook iyo qaar ka hadlay xaflado ka dhacay Baydhaba, waxaana sii kordhaya caburinta dadweynaha ee degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. 

Xildhibaan Xasan Macallin Yuusuf "Blackā€ oo kamid ahaa baarlamaakii 1-aad ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa kamid ah shaqsiyaadkii ugu dambeeyay ee loo xiro arrimo siyaasadeed, waxaana uu xabsiga ku qaadanayaa muddo ku dhow bil, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya inuu ku dhacay xukun muddo sanado ah.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...