QM oo ka digtay daadad Xoogan oo kusoo wajahan Somalia

0
Sunday May 09, 2021 - 12:57:59 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 1488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    QM oo ka digtay daadad Xoogan oo kusoo wajahan Somalia

    Waagacusub.com - Hay'adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa ka digtay halista daadad xoog leh oo Somalia ku soo wajahan, kaddib roobab xoog leh oo laga cabsi qabo inay buux-dhaafiyaan wabiyada Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Hay'adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa ka digtay halista daadad xoog leh oo Somalia ku soo wajahan, kaddib roobab xoog leh oo laga cabsi qabo inay buux-dhaafiyaan wabiyada Somalia.

FAO ayaa sheegtay in Wabiga Shabeelle uu buux-dhaafay kaddib roobabkii mahiigaanka ahaa ee da’ay todobaadkii la soo dhaafay 

Waxay sidoo kale sheegtay in roobabkii ka da’ay dhulka buuraaleyda ah ee Ethiopia ay daadadkoodu ku soo qul-qulayaan Somalia, kuwaas oo saameyn doona magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

"Waxaa ugu daran biyo-xireenka iyo qararka wabiga oo daciif ah, kuwaas oo durba fatahaad ku billaabay Jowhar. 

Bulshooyinka ku nool hareeraha wabiga Shabeelle waa inay taxadaraan, maadaama qul-qulka webiga la fiłayo in biyahu soo dhaafaan jiinka wabiga dabayaaqada todobaadkan” ayaa lagu yiri qeyla-dhaan ka soo baxday FAO.

Inkastoo  24-kii saac ee la soo dhaafay ay kordheen biyaha wabiga Jubba, hadana FAO waxay ay sheegtay in khatarta fatahaadda ay ka jirto degmooyin ay ka mid tahay Dooloow.

[email protected]


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...