Dowlada Somalia oo dalbatay in la bedelo Ergeyga cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

0
Monday May 10, 2021 - 16:40:18 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 1107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Somalia oo dalbatay in la bedelo Ergeyga cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

    Dowlada Soomaaliya ayaa qoraal ay u qortay Midowga Afrika waxa ay uga dalbatay in la bedelo ergeyga cusub ee dhowaan Midowga Afrika u soo magacaabay dalka Soomaaliya John Mahama.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Soomaaliya ayaa qoraal ay u qortay Midowga Afrika waxa ay uga dalbatay in la bedelo ergeyga cusub ee dhowaan Midowga Afrika u soo magacaabay dalka Soomaaliya John Mahama.

Warar hoose oo ay shabakada Waaga-Cusub Media  ay heshay ayaa tibaaxaya in dowlada Soomaaliya ay qoraalkeeda ku sheegtay in aan lagala tashan magacaabista Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama isla markaana aan loo marin nadaamka diblumaasiyada.

Sidoo kale Dowlada Federalka ayaa ku tilmaamtay Ergeyga cusub ee Midowga Afrika magacawday in aanu dhex dhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya, maadaama uu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya.

Si kasta ha ahaate Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa booqasho degdeg ah ku tegey dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Kongo isagoo caasimada dalkaas ee Kinsasha kula kulmay Madaxweynaha wadankaasi oo ah guddoomiyaha ururka Midowga Afrika ee sanadkan.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...