Waare" DFS waxeey xayirtay lacag loogu deeqay Hir-Shabeelle

0
Tuesday May 11, 2021 - 10:10:04 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 1342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waare" DFS waxeey xayirtay lacag loogu deeqay Hir-Shabeelle

    Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xayirtay in ka badan 35 milyan dollar oo Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka ugu deeqeen fataahadaha Wabiga Shabelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xayirtay in ka badan 35 milyan dollar oo Talyaaniga, Sweden, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka ugu deeqeen fataahadaha Wabiga Shabelle

Qoraal uu soo dhigay Barta Twitterka ayaa waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay tallaabadaas oo uu sheegay inay lacagtaasi xayireen Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta iyo Beeraha.

 

Hadalka Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle ayaa kusoo aadaya xilli degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe uu fatahaad ka sameeyay Wabiga Shabeelle lagana cabsi qabo in degaano kale uu ka fataho.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli wax jawaab ah ka bixin warkaan kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare, kaas oo ah in dowladdu xayirtay lacago loogu talo galay fatahaadaha.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...