[Muqdisho] "Caasimad ay ku amar taagleeyan Fahad Yasin, Khadiijo Diiriye, Farmaajo, Mahdi Guled, Dubbe , Xijaar iyo Beyle" ?

0
Wednesday July 21, 2021 - 07:00:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3948
  • (Rating 2.1/5 Stars) Total Votes: 8
  • 6 1
  • Share via Social Media

    [Muqdisho] "Caasimad ay ku amar taagleeyan Fahad Yasin, Khadiijo Diiriye, Farmaajo, Mahdi Guled, Dubbe , Xijaar iyo Beyle" ?

    Waagacusub.com - Muqdisho iyo goboladda ku xeeran ee beelweynta Hawiye degaan markii laga qaaday shan iyo toban kun oo dhalinyara ah lagana iibshay Ethiopia kadib wuxuu xaalku gaaray in gabdhahii Hawiye laga afduubto guryahooda iyadoo aysan muuqan f

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Muqdisho iyo goboladda ku xeeran ee beelweynta Hawiye degaan markii laga qaaday shan iyo toban kun oo dhalinyara ah lagana iibshay Ethiopia kadib wuxuu xaalku gaaray in gabdhahii Hawiye laga afduubto guryahooda iyadoo aysan muuqan ficil dhaafsan cambaareeyn iyo hanjabaad.

Nasiibdaradu waxey ku dhacday beelweynta Hawiye markii dhalinyaradoodii laga qortay Isgoolada iyo Jaamacadaha kadibna laga iibsaday Ethiopia iyadoo.

Nasiibdaradu waxey noqotay in Ganacsatadii, Aqoonyahanadii, Siyaasiyiintii iyo Waxgaradkii Hawiye ay maalin walba indhaha ka fiirsanayaan Osman Dubbe oo Warbaahinta ka caaynaya, ku jees jeesaya waalidiinta dhalay ilmaha maqan.

Hawiye waxey ka dhiidhin waayeen inuu Cabdiraxman Beyle maalin walba lacag ka gurto kadibna dabaqyo dhaadheer ka dhisto Hargeysa iyo Borama.

Hawiye waxey ka dhiidhin waayeen in Farmaajo, Fahad Yasin iyo Khadiijo Diiriye ugu dowladeeyaan Muqdisho.

Hawiye waxaa laga waayay indheer garad iyo aqoonyahan isweydiiya maxey tahay sababta degaanada Hawiye kaliya loogu dowladeeyo.

Hawiye lacagtii laga qaaday ayaa lagu dilay, lagu caayay, laguna laaluushay sidaas darteed waxaa qormeeysa taariikh madoow.

Damiir xumada waxgalka Hawiye laguma sababeeyn karo doqonimo, waxaa hubaala in la sixray maxaa yeelay Osman Dubbe caaydiisa iyo Canshuurta Cabdiraxman Beyle intaas uma dulqaateen.

Sidee Canshuur kaaga qaadayaa nin aan tegi karin degmadii uu ku dhashay ama aan laga aqoonsaneyn dowladnimada Somalia iyo Calanka baluuga.

Haddii Waayeelkii Hawiye la sixray ,waxaan ku talinayaa in dhalinyaradu qaataan go’aan adag oo magaca sii dhimanaya badbaadiyaan.

Intaas hanoo joogto fariinta wacyigelinta Hawiye

By Dahir Alasow

[email protected]


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...