[Murugo]:-Askari Magaaladda Muqdisho Ku Dilay C/waxiid oo 3-habeen Aroos Ahaa

0
Monday March 18, 2019 - 11:43:47 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2568
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    [Murugo]:-Askari Magaaladda Muqdisho Ku Dilay C/waxiid oo 3-habeen Aroos Ahaa

    Waagacusub.com- Askari ka tiran Ciidamadda booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Isgoyska Taleex Degmadda Hodan ee magaaladda muqdisho waxa uu shalay ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa oo Bajaaj waday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Askari ka tiran Ciidamadda booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Isgoyska Taleex Degmadda Hodan ee magaaladda muqdisho waxa uu shalay ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa oo Bajaaj waday.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cabdi Waaxid Jibriil Afrax wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ahaa oo hadda nolosha dunida u soo iftiimeysay, islamarkaana sidoo kale ahaa ardey wax ka barta Jaamacadda Soomaliya.

Ala ha u Naxariistee C/waxiid ayaa saddex cisho kaliya aroos ahaa markii shalay askari Boolis ah uu ku dilayay Isgoyska Taleex ee Magaaladda Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf gacan ka hadal dhaliyay uu dhexmaray isaga iyo askariga dilka geystay.

Xaaskiisa Saamiya Suleebaan Jaamac saddexdii habeen ee la soo dhaafay farxad ayeey nolosha ku qaadaneysay, balse xalay murug iyo ooyin ayeey ku seexatay sida ay sheegeen qaar kamid ah Eheladeeda.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay dilalka loo gaysanayo dhalinyarada Mooto Bajaajta ku shaqeysata.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...