Dawladda Jibouti Mise Dukaanka qoyska Ismaaciil Cumar Geelle?

0
Saturday June 06, 2020 - 03:51:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Jibouti Mise Dukaanka qoyska Ismaaciil Cumar Geelle?

    Waagacusub.com - Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu reer Jabuuti dawlad uga dhigay qoyskiisa. Naagtiisa, carruurtiisa, walaaladii, ilmaadeeradii, carruurta islaantiisa ee aannu isagu dhallin, wiilasha uu soddoga u yahay. Madaxweynuhu waa isaga. Islaantii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu reer Jabuuti dawlad uga dhigay qoyskiisa. Naagtiisa, carruurtiisa, walaaladii, ilmaadeeradii, carruurta islaantiisa ee aannu isagu dhallin, wiilasha uu soddoga u yahay. Madaxweynuhu waa isaga. Islaantiisa ayaa ku xigta. La taliyaha madaxweynuhu waa gabadhiisa Xaybado Ismaaciil. Gabadhiisa kale ee Faadumo-Cawo lacagta dalka ayaa uu u fasaxay oo ganacsadaha dalka ugu wayn cidi ku ma haysato. Faadumo-Cawo Ismaaciil ninkeeda oo u dhashay dalka Ivory Coast oo la gu magacaabo Nyckoss Tommy Tayoro Baanka ayaa uu u dhiibay si uu xaaskiisa ula shaqaysto iyaga oo adeegsanaya hantida qaranka. Najiib Cabdalla Kaamil oo ay Khadra u dhashay Raysalwasaarihii hore ee Jabuuti ayaa ay islaantu u magacawday xoghaya guud ee xafiiska Raysalwasaraaha, isaga ayaa na Raysalwasaaraha ka amar wayn. Nasli Cabdalla Kaamil oo iyana Khadra dhashay waa madaxa rugta ganacsiga Jabuuti, una dhaxday Wasiirka Gaashaandhiga Jabuuti. Gabadhu shirkaddo kale na madax ayaa ay ka tahay. Walaalkiis Sacad Cumar Geelle oo dhawaan geeriyooday ayaa Maareeyaha Dekeddaha Jabuuti ahaa oo ah isha keliya ee dhaqaale ee dalku leeyahay oo ka ganacsiga dalka ayaa uu walaalkiis iyo carruurta uu adeerka u yahay ka caawin jiray. Inaadeerkii Jaamac Cali Geelle ayaa madax ka ah Shirkadda korontada ee dawladdu leedahay (Istaaqfurallaah reer Geelle leeyahay) oo hadba qofkii inaadeerkii il qaloocan ku eegga ka jarta. Habeen baan nin reer Jabuuti ah intan iyo in aan illoobay ka qoray. Runtii weligay ma arkin dadka reer Jabuuti duul ka dulqaadan badan. Qoys ha ku xukumo ayaa aan loo adkaysan karine ha ku gummaysto waa xaalad adag oo ciilkeedii maanta ay shacabka ka muuqato
Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...