Xildhibaan Mahad Salaad oo Dalab Cusub udiray Farmaaajo

0
Thursday January 28, 2021 - 14:10:37 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 1436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Mahad Salaad oo Dalab Cusub udiray Farmaaajo

    Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay go'aankii wadajirka ahaa ee ka soo baxay jubbaland iyo Puntland oo ku baaqay in markale la'isugu yimaado shirweyne. Mahad Salaad ayaa soo dhoweeyey qabashada go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay go'aankii wadajirka ahaa ee ka soo baxay jubbaland iyo Puntland oo ku baaqay in markale la'isugu yimaado shirweyne. Mahad Salaad ayaa soo dhoweeyey qabashada go'aankaas, isaga oo ugu baaqay Farmaajo inuu aqbalo shirkaan & muddada uu soconayo.

 

"Koley Farmaajoow maragtii lagugu fur oo taladii shalay ku seegtay walaalahaa ayaa maanta toosiyay ee ku dhaqso aqbalaada talada laguu soo jeediyay, dalka iyo dadkana waqti dambe haka luminin!,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Mahad Salaad.

 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tani ay tahay fursaddii ugu dambeysay, loona baahayan inuu Farmaajo u turo dadka iyo dalkaba.

 

 

Halkan hoose ka aqriso:-

 

Taladu waa mar aad garan weydo iyo mar aad gaari weydo. MW Farmaajo FAR WAAWEYN AYAA XALAY WAX LOOGU DHIGAY‼️

 

Magacaabista Gudiyada Doorashada iyo soo jeedinta shir in la isugu yimaado 30-ka bisha ee lagu sheegay war-murtiyeedka PL iyo JL waxay banaanka keentay talo xumida iyo tabar yarida MW Farmaajo. Waliba si kaloo wax loogu sheego inta la garan waayay ayaa sidiisii xalay saqdii dhaxe waraaq wiifto ah lagu dul yeeriyay iyadoo waliba far waaweyn ku qoran. Sida muuqatana MW Farmaajo uma harin fursad aan ahayn in uu kala doorto maalinta shirka la qabanayo iyo muddada uu socon doono.

 

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa walaalkaa maragga ku fur, magtana la bixi. Koley Madaxweynow maragtii lagugu fur oo taladii shalay ku seegtay walaalahaa ayaa maanta toosiyay ee ku dhaqso aqbalaada talada laguu soo jeediyay, dalka iyo dadkana waqti dambe haka luminin!


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...