[Maxaa] looga hadlay kulanka Rooble iyo safiirka Imaaraadka Carabta?

0
Monday June 07, 2021 - 17:42:55 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Maxaa] looga hadlay kulanka Rooble iyo safiirka Imaaraadka Carabta?

    Ra'iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Alcuthman.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Alcuthman.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal oo muddooyinkii dambe si tartiib ah usoo laabanayey, xili uu kal hore mugdi badan hareeyay.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii dowladda Imaaraadku kaalin uga geysan laheyd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha HirShabeelle.

Rooble oo dhawaan socdaal ku tagay magaalada Jowhar oo qeybo kamid ah go’doon ugu jirto fatahaadaha wabiga Shabeelle ayaa safiirka la wadaagay xaalada adag ee ka taagan Jowhar iyo nawaaxigeeda si ay kaalmo deg-deg ah uga geystaan.

 

Maamulka HirShabeelle ayaa la daala-dhacaya fatahaadaha oo sanadihii dambe kusoo noq-noqday maamulkaas, kuwaasi oo gebi ahaanba xiray Isku socodkii magaalooyinka.


Loading...


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...