[Raysal wasaare Rooble] oo magacaabay Guddi sare oo qaabilsan arrimaha Doorashooyinka dalka

0
Wednesday June 09, 2021 - 11:26:46 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Raysal wasaare Rooble] oo magacaabay Guddi sare oo qaabilsan arrimaha Doorashooyinka dalka

    Moqdisho (WAAGACUSUB) Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi sare ee farsamo oo u qaabilsan hirgelinta arrimaha doorashooyinka dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Moqdisho (WAAGACUSUB) Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi sare ee farsamo oo u qaabilsan hirgelinta arrimaha doorashooyinka dalka.
Guddiga la magacaabay ayaa ka kooban todobo xubnood oo isugu jira lataliyeyaashii Raysal wasaaraha waxaana la tilmaamay iney shaqadoodu tahay la wareegista maamulida arrimaha doorashooyinka, isku xirka guddiyada doorashada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, maamulka dhaqaalaha iyo xiriirka Beesha Caalamka.

Magacaabista guddigan sare ee farsamada doorashooyinka ayaa imaaneysa xili dhaliilo cusub aay u jeediyeen Mucaaradka dowladda Raysal wasaare Rooble, kuwaas oo ka dalbaday inuusan ka leexanin wadada dhexdhexaadnimada si loo gaaro doorasho loo dhan yahay oo ku qabsoonta xor iyo xalaal.
Loading...


Guddigaan uu magacaabay Raysal wasaare Rooble waxaa guddoomiye looga dhigay Cabdulqaadir Cilmi Cali oo la sheegay in waqti badan horay usoo wada shaqeeyeen Raysal wasaare Rooble iyo waliba Cumar Maxamed Cabdulle oo isna mar soo noqday guddoomiyahii guddiga doorashada ee sanadkii 2016.


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...